Latest Article

6/recent/ticker-posts

Maxaa u roon dhabar xanuunka?: Sida ay soo jeedisay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO

 

Dhabar-xanuunka, gaar ahaan xanuunka qaybta hoose ee dhabarka, waa mid ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee la yaabka leh sababtuna waxay tahay tirada badan ee dadka qaba xanuunkan iyo sida aadka ah ee uu u saameeyo nolol maalmeedkeenna.

Haddi aysan weli ku qabsan dhibaatada dhabar xanuunku, waxa suurtogal ah in aad la kulmi doonto maalin uun.

Si aad fikrad ugasii haysato, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu xaqiijiyey in xanuunka dhabarka qaybtiisa hoose uu yahay sababta ugu weyn ee curyaamisa isla markaana shaqada joogtada ah iyo nashaadyada firaaqada ee dadka aduunka.

Sannadkii 2020, ku dhawaad 13kii qofba mid ka mid ah oo qiyaastii ah (in ka badan 600 milyan oo qof) guud ahaanb caalamka ayaa la kulmay dhibaatadan ugu yaraan hal mar, taasoo ka dhigan koror 60% ah marka loo eego 1990kii

Post a Comment

0 Comments