Latest Article

6/recent/ticker-posts

Maxay u taagan yihiin calaamadaha ay isticmaalayeen taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle

 

Cayaaraha maamul goboleedyada ee shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey, Galmudugna ay ku guulaysatay ayaa ahaa kuwo xiisad iyo xamaasad ahaan ka heer sarreeyey kuwii hore loo qaban jiray.

Maalmihii ugu dambeeyey waxay taageerayaasha labadii kooxood ee cayaarta kama dambaysta ah wada cayaaray – Galmudug iyo Hirshabeelle – soo bandhigeen calaamado la sheegay in ay u taagan yihiin labadaas koox oo gacanta lagu muujiyo.

Calaamadahaas oo aad u qabsaday baraha bulshada waxay leeyihiin qisooyin iyo taariikh aan shaqo ku lahayn cayaaraha Soomaalida, waxaana laga soo minguuriyey cayaartoy ajnabi ah oo qaarkood lagu ganaaxay.

Post a Comment

1 Comments