Latest Article

6/recent/ticker-posts

Toddobo tab oo aad miisaankaaga ku xakamayn karto ka dib marka aad iska dhinto

 In ruuxa iska dhimo miisaan waa caqabad weyn oo heysata bani’aadamka. Laakiin sida qof kasta oo ay horey ugu suura gashay inuu miisaan dhimo uu ogyahay, caqabadda dhabta ah waa in la iska ilaaliyo miisaankii aad dhintey, inuu dib ugu soo biiro culeyskaada.

Tani waa run iyadoon loo eegin habka aad raacdo, si aad miisaanka u dhinto. Tusaale ahaan, daraasaduhu waxay muujinayaan in dadka qaata cuntooyinka kaloori yar (inta u dhaxaysa 800 iyo 1,200 kalori maalintii) uu dib u koro inta u dhaxaysa 26% iyo 121% miisaanka lumay shan sano kadib cunitaankooda cuntooyinkan noocyadaas ah.

Dadka fuliya habraacyada barnaamijyada maaraynta miisaanka ee la xiriira hab dhaqanka (sida WW, oo ah dadka ilalaiya isbadalka miisaanka) waxaa dib u kora 30-35% miisaankoodii lumay hal sano kadib.

Xitaa dadka isticmaala daawooyinka miisaanka lumiya sida Wegovy, ayay dib miisaanka ugu soo noqdaan saddex meelood labo miisaankii ay lumiyeen sanad ka dib, marka ay joojiyeen dawooyinka dhimiska culeyskaUgu horreyntii, ilaalinta miisaankii la dhimay, ayaa faa'iido badan, marka loo eego la socoshada tirada miisaanka oo yaraada markaad lumiso miisaanka. Tani waxay adkeynaysaa inaad dhiirrigeliso oo aad daryeesho miisaanka jirkaaga.

Marka labaad, inta badan way adag tahay in la ilaaliyo isbeddelka hab-nololeedka ee aan samayno, si aan miisaanka u luminno, gaar ahaan haddii isbeddelladani yihiin kuwo aan macquul ahayn, oo ay adag tahay in la ilaaliyo muddada dheer (sida cuntooyinka kalooriyada yar, ama ka takhalusidda dhammaan nooc cuntooyin gaar ah).

Marka saddexaad, miisaanka oo yaraada waxay kicin karaan hormoonnada soo saara gaajada, way kordhin kartaa arrintani, waxayna xitaa hoos u dhigi kartaa dheef-shiidka kiimikada.

Isbeddelladani waxay adkeyn karaan inaad iska caabbiso cunista xad-dhaafka ah, waxayna kaa caawin karaan inuu dib kuugu soo noqdo miisaankii aad lumisay waqti ka dib

Post a Comment

0 Comments