Latest Article

6/recent/ticker-posts

Wararka Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland oo magacaabay Guddiga Taakuleynta

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Markuu arkay: Baahida loo qabo in wax laga qabto Bur-burkii ku yimid Kaabayaasha sida, Buundooyinka iyo Wadooyinka guud ahaan Jubaland oo ay sababeen fatahaadaha iyo daadadka.

Markii uu garwaaqsada: Inay muhiim tahay isku tashi in la sameeyo, (Iskaa Wax uqabso) sidaa awgeed iyadoo la fulinayo go’aankii golaha Wasiiradda oo ku taariikhaysan February 1, 2024, ayaa waxaa loo xilsaaray dhismaha kaabayaasha kala duwan ee ku burburay fatahaadaha iyo daadadka guddi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Dowladda Jubaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kala ah.

1. Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

2. Wasaaradda Howlaha Guud, Dib – u-dhiska iyo Guriyenta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

3. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

4. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

5. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland

6. Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland.

7. Wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu sixiixo Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan, wuuna sixiixay.


Post a Comment

0 Comments