Latest Article

6/recent/ticker-posts

Aabe Cabdicasiis Maxamed oo muddo dheer ka dib ogolaaday in la aaso marxuumad Luul


 Qoyska Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin in ay aasaan marxuumad Luul Cabdicasiis, ka dib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay maanta xukun dil ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo ah saygeedii, kuna eedeysnaa in nolosha uu ku gubay.

Marxuumadda ayaa 2-dii bishii February u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray falka lagu gubay, oo 26-kii bishii January uu saygeeda ugu gaystay hoygooda oo ku yiilay Waaxda Labaad ee Degmada Dharkiinley.

Tan iyo markii ay isbitaalka ku geeriyootay meydkeeda ayaa ku jiray filijeerka qawojiyaha, sababo ku aaddan qoyskeeda oo diiday inay duugtan, iyaga oo aan caddaalad helin.

Aabe Cabdicasiis Maxamed oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa sheegay inay garowsadeen in la aaso marxuumadda, iyadoo ay foodda inagu soo hayso bisha barakaysan ee Ramadan.

“Waxaan ku taagnaa in badan in aanan duugaynin gabadhayda, marka maanta waxaan garanay inaan aaso, maxaa yeelay bil Ramadan ayaa soo socoto, afurkeeda oo janada inay ka qayb qaadato oo meesha inay ku afurto ayaan niyaysanay.” Ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed.

Waxa uu sheegay in go’aankan ay isla qaateen qoyska, ehelada, asxaabta iyo dowladda, si loo aaso marxuumadda, isla-markaana ay Jimcaha aasi doonaan.

Cabdicasiis Maxamed ayaa tilmaamay in caddaaladdii ay sugayaan ay qayb ka mid ah heleen, ayna ka dhur-sugayaan, illaa iyo inta ninkaasi xukunka lagaga fulinayo.

“Caddaaladdii aan sugeynay maanta qayb ka mid ah oo xukunkii waan helnay, tan fulintana waan sugeynaa Insha’Allah, waqtigii uu noqdo.” Ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed.

Aabahan ayaa u mahadceliyay cid kasta oo garab istaag u muujisay qoyskiisa, tan iyo markii ay dhibaatadan la soo deristay.

Qoyska ayaa si adag uga biyo diiday in ay mag ama diyo qaataan amaba inay xitaa wax wada hadal ah ka galaan dilka gabadhooda, tiiyoo aad mooddo in weli ay ku taagan yihiin.

Qoyska xukunsanaha ayaan weli ka hadlin go’aanka maxkamadda, balse Abukaate Cali Xalane oo ah qareenkii difaacayay ninkaasi ayaa sheegay in ay rafcaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday.

Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa dilkeeda oo bulshada ay ka argagaxeen uu bilow u noqday mowjado dilal naxdin leh oo qoysaska qaar ay dhexdooda toddobaadyadii la soo dhaafay isugu gaysanayeen magaalada.

Marxuumad Luul ayaa ifka uga tagtay lix carruur oo agoon ah, oo ay u dhashay saygeedii hore ee geeriyooday.

Post a Comment

0 Comments