Latest Article

6/recent/ticker-posts

Dalka somaliya oo shalay si iskuwada mid ah looga ciiday

 

Soomaalia iyo guud ahaanba caalamka ayaa shalay  laga wada ciidaya, ka dib markii Muslimiinta ay dhameysteen waajibaadka bisha barakaysan ee Ramadan.


Salaadda Ciidda ayaa ayaa shalay laga wada tukaday dalalka waaweyn iyo gebi ahaanba deegaanada Soomaalida.
Dadweynaha ayaa Salaadda Ciidda ku oogay masaajida iyo baraxadaha  kale ee loo asteeyay in Salaadda lagu tukado
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan taakuleynta dadka danyarta ah, isaga oo Alle ka baryey in uu dalkeenna ka yeelo nabad iyo barwaaqo
Madaxweynaha Dowlad-deeggaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka mid ahaa madaxda dadka kala qeybgalay salaadda ciidda.






Post a Comment

0 Comments