Latest Article

6/recent/ticker-posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lakulmay dhaxal sugaha dalka sacuudiga

 

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan layeshay Dhaxal-sugaha wadanka Sacuudiga ahna Raysal Wasaaraha dalkaasi, Mohammed bin Salman.

Madaxweynaha xasan sheekh iyo Amiir Mohammed bin Salman ayaa ka wada hadlay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga & xiriirka labada dal, dhaqaalaha, maalgashiga iyo amniga.
Dalka Sucuudi Carabiya ayaa  soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada israaca sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Taas beddelkeeda, madaxda Somaliland waxay ku an dacoonayaan in Itoobiya oo aan bad lahayn ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada qaran madax-bannaan. Si kastaba ha ahaatee, dawladda Faderaalka somaliya ayaa diiday heshiiska dekedaha Itoobiya iyo Somaliland

Post a Comment

0 Comments