Latest Article

6/recent/ticker-posts

Ra'iisul wasaaraha somaliya oo magacaabay waziiro

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo

magacaabay afar wasiir iyo hal wasiiru dowle, kuwaas oo kamid noqonayo golihiisa wasiirada.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi oo horay u hayay xilka wasiirka arrimaha gudaha.
Janeraal Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga, xilkaas oo horay u hayay Maxamed Cali Doodishe oo loo magacaabay safiirka Qatar.
Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta & Biyaha.
Maxamed Aadan Macalin ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadda.

Axmed Cumar Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimilada.

Post a Comment

0 Comments