Latest Article

6/recent/ticker-posts

Wararka Maanta ciidamada Israel kuxasuuqeen Gaza oo tiradooda gaartay 33,000

Ciidamada Israel ayaa weli sii wada dagalkii aan kala jogsiga lahayn ee ay dadka rayidka ah ugu gaysanayaan Marinka Gaza.markii uu bilowday dagaalkan ka  dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xamaas, tirada dadka rayidka ah ee lagu dilalka Gaza ayaa gaartay 33,000 oo qof, halka 77,577 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Ciidamda  ku eedeysay in si indho la’aan ah ay u dhamenayan shacabka Falastiin ee wajahaysay xaaladdii ugu adkeyd.
Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in lagu kalsoonaan karo nidaamka tirakoobka dhimashada iyo dhaawaca dagaalka ee ay soo saarto Wasaarada caafimaadka Gaza Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ciidamada Yuhuuddu ay haatan ku hareereysan Isbitaal Kamal Cadwaan iyada oo laga cabsi qabo in ay halkaasi ka geystaan xasuuq la mid kii ay ka geysteen isbitaallada Al-Shifaa iyo Al Indoneesi.
Goob joogayaal ayaa u sheegay shaqaalaha isbitaalka in duqeyntu ay ka dhalatay weerar diyaaradeed oo Israa’iil ay ugeysatay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira dumar iyo caruur, sida uu sheegay isbitaalka.

Post a Comment

0 Comments