Latest Article

6/recent/ticker-posts

Sidee Online Lacag Looga Sameeya

 

Sidee Online Lacag Looga Sameeya (Most Important Tips to Make Money Online)


Maanta caalamka waxa uu maraya heer  qofka uu awoodo inuu asagoo gurigiisa joogo shaqeyn karo xirfad kasto oo uu leeyaheyna kushaqeyn karo.

Waxa jiro noocyo badan oo internetka lacag looga sameeyo, anaga kasoomaali ahaan inta badan soomaalida waxa’ay fahmeen youtube sida lacag looga sameeyo waana meesha ey uwada guureen .

Lakiin waxa jiro siyaalo kale oo badan oo aan aheyn youtube oo lacag loosameyn karo waxaana kamid ah :

1: Inaad ku shaqeysato xirfadada adigoo isticmaalaya Websiteka Fiverr, kaas oo dad badan oo caalamka jooga ey lacag kasameeyan . Kaliya waxaa ubaahantahey inaad profile kasameysato Fiverr kadibna aad ku qoroto xirfadaada halkaas ayey clients kaala so xariiri doonan sidaasna ayadna kushaqeyn karta

2. Sameeyso Blog Oo Dakhli Ka Sameey.

Haddii uu jiro mowduuc aad si gaar ah aad u xiisaynayso, waxaad bilaabi kartaa blog oo aad ku xayeysiin kartaa baraha bulshada si aad u soo jiidato aqristayaal badan oo raba inay wax ka bartaan mawduucaas. Haddii aad hesho booqdayaal badan oo ku filan blog-gaaga, waxaad lacag ka samayn kartaa oo aad saaran kartaa xayeysiisyada Google Adsense taaso ku sahleysa inaad dahli fiican ka sameeyso Blog-gaaga adigoo      3=jooga gurigaaga.

Waxaad aad ugu dadaasha inaad Blog-gaaga usameeyso Social Media Accounts sida Youtube, Facebook, Tiktok, Instagram kadibna halkaas aad ku xayeesiiso si dad badan kagasoo raacaan website kaga u helo booqyadaal badan.

Affiliate Marketing


Affiliate Marketing ka waa ganacsi laga macaasho oo lacag fiican laga helo. Aniga shaqada igu badan ee aan qabto waa asaga oo si maalinle ah baan oga shaqeeyaa. hadii aan kusoo koobo, waaxaad xayisiineysaa badeecooyin ( products) oo Google , Facebook iyo Instragram ka baad ku xayisiineysaa, hadii uu qof gato badeecadaas waxaa helaysaa lacag ( commission ) 20 dollars ilaa 100 dollars u dhaxeysa, waxaana lacagtaas ku siinayo shirkada iska leh badeecadaas. Websites looga shaqeysto waxaa ka mid ah Clickbank, Digistore24 iyo JvZoo. koorso dhameystiren baan ka sameeyey qaabka suuqan looga shaqeysto

4. Freelancing

Freelancing-ku waa habka ugu fudud ee internet-ka lacag looga sameeyo, adigoo kaliya ku shaqaysanaya xirfadihii aad baratay.

Freelancing-ku uma baahna inaad goob shaqo aad tagto, sidoo kalena uma baahna inaad muuqaalo duubto, kaliya adigoo gurigaaga jooga ku shaqayso xirfadahaaga.

Ganacsi kastaa maanta wuu u baahan yahay dhalinyaro freelancers ah, ganacsiyadayda maantana, waxaa igala shaqeeyo dhalinyaro freelancers ah, oo qaarkood soomaali ah.

xirfadaha aad baran karto waxaa ka mid ah:



Post a Comment

0 Comments